Sahan Media Muqdisho: Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan duullimaadyada ay shirkadaha diyaaradaha Iran ku tagayeen ama uga imaanayeen dalkaas.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, Emirates News Agency, ayaa Khamiistii sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadku ay hakisay dhammaan duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran ee ka imanaya ama tagaya Imaaraadka.
Hay’addu waxay sheegtay in go’aanka loo qaatay cunaqabateyn uu Maraykanku kusoo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran, taas oo ka hor istaagaysa inay adeegsadaan adeegyada garoomada diyaaradaha ee meelo kala duwan oo dunida ah.
Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale Khamiistii sheegtay in Imaaraadku hakiyay duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran.
Sida ay sheegtay AFP, Dubai oo ah xarunta ganacsiga ee Imaaraadka, waa xarun muhiim u ah shirkadaha diyaaradaha Iran, waxaana maalin kasta jira duullimaadyo dhowr ah oo u dhexeeya Iran iyo Dubai. Dubai waxaa sidoo kale ku nool bulsho badan oo reer Iran ah, halka Iran iyo Dubai ay leeyihiin xiriir ganacsi oo dhow.
Imaaraadka ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday waxaa lagu bartilmaameedsaday kumannaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran laga soo riday. Bishii hore, Imaaraadku wuxuu hakiyay ganacsigii iyo macaamilladii maaliyadeed ee uu la lahaa Iran.
Laba maalmood ka hor, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka ayaa xannibay macaamilkii maaliyadeed ee laamaha National Bank of Iran ee dalkaas, kuwaas oo lacagaha u kala dira Iran iyo Imaaraadka.
Imaaraadku wuxuu bangiga ku eedeeyay inuu ka baxsanayo sharciyada la xiriira ka hortagga lacag-dhaqidda, maalgelinta argagixisada iyo ka ganacsiga hubka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Iran ay uga digtay dalalka deriska ah inay carqaladayn doonto garoomadooda diyaaradaha haddii ay oggolaadaan inay dhaqan geliyaan cunaqabateynta Maraykanka ee lagu xirayo hawadooda.


