Sahan Media Muqdisho: Ugu yaraan 41 qof ayaa dhintay, halka 49 kalena la badbaadiyay, ka dib markii doon ay ku rogmatay harada Tanganyika ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC).
Norris Mulongoyi, oo ah wasiirka gaadiidka ee gobolka Tanganyika ee dalka DRC, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee The Associated Press in hawlgallo baadi-goob ah ay socdaan si loo helo rakaabka kale ee maqan.
Doonta ayaa la sheegay inay sidday ku dhawaad ​​100 qof iyo xamuul markii ay ku rogmatay meel u dhow tuulada Mapera ee dalka Congo.
Markabka ayaa ku sii jeeday magaalada Kalemie ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) isagoo ka soo baxay dekedda Kigoma ee Tanzania markii uu degay maalintii Khamiista.
Qof ka badbaaday shilka oo lagu magacaabo Annie Moyoni ayaa u sheegtay in rakaabka la toosiyay abaaro saqdii dhexe ee habeenkii (saacadda 1-da subaxnimo), iyagoo ogaaday in doontu ay dhinac u janjeertay.
Si cad looma oga waxa sababay in markabku rogmado, balse boqolaal qof ayaa ku dhintay shilal doon oo ka dhacay DRC sannadihii u dambeeyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Maraakiibta iyo doonyaha ayaa badanaa qaada dad ama xamuul ka badan intii loogu talagalay, mana laha jaakadaha badbaadada (life jackets).
Shilkan degitaanka doonida ayaa ahaa kiiskii labaad ee markab laga leeyahay Congo uu ku lumo khadka u dhexeeya Kigoma iyo Kalemie muddo ka yar bil gudaheed.
Sida ay sheegtay Radio Okapi, 28-kii bishii Agoosto, markab laga leeyahay Congo oo lagu magacaabo MV Pacifique ayaa dab qabsaday ka dibna qarxay xilli uu shidaal ka qaadanayay dekedda Kigoma.


