HomeWararka MaantaGuddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka

Sahan Media Muqdisho: Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu yeeray inay hortagaan guddiga, kadib markii uu sheegay in xuquuqda dhaqaale laga jaray ku dhowaad 6,000 oo askari iyo qoysaskooda.

Warqad uu guddigu soo saaray maanta oo Sabti ahayd ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay isugu jiraan hawlgab, naafo iyo qoysaska askarta ku dhimatay furimaha dagaalka.

Guddiga ayaa sheegay in mushaharka iyo xuquuqaha dhaqaale ee qaar ka mid ah ciidamada hawlgabka iyo naafada ah laga jaray 50 boqolkiiba, halka qoysaska saraakiisha ku dhimatay dagaalka, sida warqaddu sheegtay, laga jaray 60 boqolkiiba.

Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga oo kaashanaysa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, halka fulinteedana uu sheegay inay ku lug lahayd Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga ka dalbaday inuu ku soo jawaabo muddo 72 saacadood ah dhowr su’aalood oo ku saabsan sababta iyo sharciga loo cuskanayo dhimista xuquuqda ciidamada.

Su’aalaha waxaa sidoo kale ka mid ah halka ay Wasaaraddu ka keentay awoodda lagu dhimay lacagaha, saameynta ay arrintani ku yeelan karto ciidamada ku jira furimaha dagaalka iyo in wax laga beddelay qoondada miisaaniyadda ee Baarlamaanku ansixiyey.

Guddiga Difaaca ayaa sidoo kale Wasiirka ka dalbaday inuu soo gudbiyo xog ku saabsan tirada xeryaha ciidanka ee la iibiyey, iyo tirada askarta iyo qoysaskooda ee laga barakiciyey guryahooda.

Warqaddu waxay sheegtay in Wasaaradda Gaashaandhigga laga doonayo inay faahfaahiso tallaabooyinka ay qaaday si ay wax uga qabato xaaladda qoysaska ciidamada ee guryahooda laga barakiciyey.

Ugu dambayn, Guddigu wuxuu Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku amray inay hortagaan Guddiga Difaaca 4-ta Oktoobar 2026, saacadda 11:00 subaxnimo, xafiiska guddiga ee Golaha Shacabka, Villa Hargeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments