Sahan Media Muqdisho: Afar ka mid ah 10-ka shaqaale ee u dhashay Pakistan, kuwaas oo ay afduubteen burcad-badeed saarnaa markab ku sugnaa xeebaha Puntland Soomaaliya, ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay, waxaana la filayaa inay Sabtida maanta gaaraan magaalada Karachi.
Arrintan ayaa timid ka dib “dedaal joogto ah” oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan iyo safaaraddeeda ku taal Jabuuti, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq Dar.
Dar ayaa sheegay in sidoo kale la soo celinayo meydadka saddex shaqaale oo u dhashay Pakistan oo halkaas ku dhintay.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska ay dadkoodu ka geeriyoodeen, kuwaas oo wajahaya xaalad aad u xanuun badan,” ayuu yiri Dar.
Saddex shaqaale oo kale oo u dhashay Pakistan ayaa weli noo imaan, iyadoo uu la socdo kabtankii markabka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda.
“Waxaan si firfircoon ula kaashaneynaa dalalka saaxiibka nahay sidii loo fududeyn lahaa soo badbaadintooda iyo inay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabtaan Pakistan,” ayuu yiri.
Markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaas oo sita calanka dalka Palau, ayaa laga afduubtay xeebaha bari ee Puntland Soomaaliya 21-kii Abriil xilli uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay hawlgalka Atalanta ee Ciidamada Badda Midowga Yurub.
Markabka ayaa waxaa saarnaa 17 shaqaale ah.


