HomeWararka MaantaIngiriiska oo 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah...

Ingiriiska oo 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo doonayay inuu ku biiro Daacish

UK ayaa 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay Maxamed Maxamuud, oo 22 jir ah, ahna muwaadin Soomaali ah oo magaalada Bristol kula noolaa hooyadii, kaddib markii lagu helay inuu isu diyaarinayay falal argagixiso, isaga oo damacsanaa inuu ku biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Boqortooyada Ingiriiska (CPS) ayaa sheegay in maxkamadda lagu soo bandhigay caddeymo muujinaya sida Maxamed ugu xagjirsaday fikirka kooxda Daacish iyo rabitaankiisa xooggan ee ahaa inuu Soomaaliya ugu laabto si uu ugu biiro kooxda.

Ninkaan ayaa qorsheynayay inuu ku biiro koox uu ku tilmaamay “Mujaahidiin” oo ka hawlgasha dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Waxa uu sidoo kale farriimo kala duwan kula xiriiray dad uu kala hadlay sidii uu u heli lahaa xiriirro ka caawin kara ku biirista kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Inkasta oo uusan helin cid hagta ama xiriirkii uu raadinayay, haddana 30-kii Janaayo 2025 ayuu ka duulay garoonka diyaaradaha Heathrow ee London, isaga oo ku sii jeeday magaalada Garoowe.

Sida ay maxkamaddu ogaatay, inkasta oo uu jartay tigidh uu UK dib ugu soo laaban lahaa, haddana farriimihiisa gaarka ah ayaa muujiyay inuusan dhab ahaan qorsheynayn inuu soo laabto. Farriimahaasi waxay sidoo kale muujiyeen in himiladiisu ahayd waxa uu ugu yeeray “shahiidnimo”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments