HomeWararka MaantaTrump oo ka jawaabay eedentii Obama

Trump oo ka jawaabay eedentii Obama

Sahan Mwdia Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynihii hore Barack Obama, isaga oo ka jawaabaya dhaleeceyn loo jeediyay. Trump ayaa sheegay in Obama uu malaayiin doollar siiyay Iran intii uu xilka hayay, isla markaana uu waddada u furay in dalkaasi helo hubka nukliyeerka.

“Obama waxa uu ahaa madaxweyne aan karti lahayn haba yaraatee. Waxa uu Iran siiyay balaayiin doollar, wuxuuna waddada u furay in dalkaasi helo hub nukliyeer ah,” ayuu Trump ku qoray farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale xusay taageeradii Obama uu u muujiyay Hillary Clinton doorashadii 2016-kii iyo Kamala Harris doorashadii 2024-kii, isaga oo sheegay in labada musharraxba laga adkaaday.

Intaas ka dib, Trump ayaa dhaliilay Abdul-Sayed, oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga uga tartamaya Aqalka Senate-ka Mareykanka ee gobolka Michigan. Waxa uu ku tilmaamay “jihaadiiste xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka” iyo “dhakhtar been abuur ah”.

Trump ayaa ku andacooday in Abdul-Sayed uu neceb yahay Yuhuudda, dadka madow iyo Mareykanka, isaga oo codbixiyeyaasha Michigan ugu baaqay inay u codeeyaan Mike Rogers, oo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga.

Abdul-Sayed ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Khudbadihii ololaha ee uu jeediyay Sabtidii, Barack Obama ayaa dhaleeceeyay siyaasadaha maamulka Trump, oo ay ku jirto dagaalka Iran. Waxa uu sheegay in heshiiskii nukliyeerka ee maamulkiisu la galay Iran uu ka hortagay in dalkaasi helo hubka nukliyeerka, iyada oo aan xitaa hal gantaal la ridin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments