HomeWararka MaantaDowladda Soomaaliya oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay deegaanka Jameeca

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay ku dhowaad 75 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka 56 kalena ay ku dhaawaceen howlgal ka dhacay deegaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarka, oo dhacay 26-kii Oktoobar, uu socday saacado badan, isla markaana uu ka dhacay dhowr deegaan oo hoos taga Buurxakaba oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd fariisimo.Wasaaraddu waxay sheegtay in intii uu dagaalku socday ay Al-Shabaab gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku weerartay gaadiidka ciidamada dowladda, taas oo waxyeello gaarsiisay qaar ka mid ah gaadiidka ciidanka.

Howlgalkan ayay dowladdu sheegtay inuu qayb ka yahay gulufka Banooda ee ay ciidamada dowladda ku bartilmaameedsanayaan fariisimaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay wiiqaan awooddeeda iyo awoodda ay dib isugu soo abaabuli karto.

Warsaxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha nafeed ee soo gaaray ciidanka dowladda, iyadoo dhinaca kale, Alshabaab ay sheegeen inay dileen in ka badan 200 askari oo ciidanka dowladda katirsan, kaddib weerar ku qaadeen kolonyo ciidan.

Alshabaab ayaa barahooda warbaahineed ee internetka kusoo bandhigay gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay ka gubeen ciidanka dowladda, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxda Alshabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments