HomeWararka MaantaMidowga Afrika oo aan weli caddeyn qaabka ciidamada Masar uga mid noqonayaan...

Midowga Afrika oo aan weli caddeyn qaabka ciidamada Masar uga mid noqonayaan howlgalka Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Midowga Afrika ayaan weli si rasmi ah u caddeyn qaabka ciidamada Masar ee la qorsheynayo in la geeyo Soomaaliya ay ula shaqeyn doonaan howlgalka taageerada iyo xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM, xilli Qaahira ay qorsheynayso inay dalka keento ciidamo ka hor inta aan si rasmi ah loogu darin howlgalka.

Warbixin uu wargeyska The East African baahiyay maalin ka hor ayaa sheegtay in Masar ay qorshaynayso inay Soomaaliya geyso cutub milatari oo baaxaddiisu gaarsiisan tahay guuto, oo ay weheliyaan ciidamo taageero, kuwaas oo la dejinayo gobolka Shabeellaha Dhexe.Warbixintu waxay sheegtay in xarun talis milatari laga qorsheeyay deegaanka Ceelcade, oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Ciciley, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Hubanti la’aanta ku saabsan qaabka taliska ayaa dhalisay su’aalo la xiriira sida ciidamada Masar ee ku imaanaya heshiiska laba geesoodka ah ay ula shaqeyn doonaan ciidamada kale ee AUSSOM, iyo cidda mas’uul ka noqon doonta isku-duwidda howlgaladooda.

Ciidamada Burundi ayaa la sheegay inaan si rasmi ah loogu wargelin qorshahan, iyaga oo sidoo kale muujiyay inaysan ku shaqeyn doonin nidaam talis oo ka baxsan qaab-dhismeedka howlgalka Midowga Afrika. Waxayse diyaar u yihiin inay ka baxaan goobaha ay joogaan marka lagu beddelo ciidamo kale.

Masar ayaa dabayaaqadii 2024 loo qoondeeyay inay howlgalka AUSSOM ku biiriso ku dhowaad 1,091 askari, hase yeeshee waxay dib u dhigtay ka qeybgalkeeda rasmiga ah, iyadoo sabab uga dhigtay caqabadaha dhanka maalgelinta.

Heshiiska iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar ayaa la saxiixay bishii Agoosto 2024, waxaana tan iyo xilligaas jiray iskaashi ku saabsan hubka, gaadiidka gaashaaman iyo tababarka ciidamada.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhanka dhaqaalaha iyo saadka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments