HomeWararka MaantaXasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku kulmay Turkiga

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku kulmay Turkiga

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay dalka Turkiga, ka hor shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee COP31 oo diiradda lagu saarayo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xaaladda amni ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo isbeddellada guud ee gobolka.

Abiy Axmed ayaa sheegay in labada dhinac ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-hadalka iyo iskaashiga labada dal, si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa dhacaya xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay hore u soo mareen khilaaf diblomaasiyadeed oo la xiriiray heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo sababay xiisad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo labada dal dhexmartay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments