HomeWararka MaantaSomaliland oo qisaas dil ah ku fulisay 9 maxbuus oo hore dilal...

Somaliland oo qisaas dil ah ku fulisay 9 maxbuus oo hore dilal u gaystay

Sahan Media Muqdisho: Xukuumadda Somaliland ayaa saaka deegaanka Mandheera ka fulisay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay sagaal qof oo hore maxkamadaha Somaliland ugu xukumeen dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo dilal kala duwan ah.

Fulinta xukunnadan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu saxeexay amarka lagu meelmarinayo xukunnada dilka ah ee ay maxkamaduhu hore u soo saareen.

Sagaalka qof ee xukunka lagu fuliyey ayaa lagu helay dambiyo dil ah, waxaana la sheegay in intooda badan ay ka tirsanaayeen ciidamada kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo kiisaskooda qaarkood ay soo mareen Maxkamadda Ciidamada Milatariga.

Xukunka qisaasta ah ayaa ka mid ah xukunnada ugu culus ee ay maxkamadaha Somaliland ku ridaan dadka lagu helo dambiyada dilka, iyadoo kiisaska noocan ah ay maraan hannaan garsoor oo ay ku jiraan xukunno maxkamadeed iyo amar fulineed.

Deegaanka Mandheera oo ku yaalla gobolka Saaxil, kana baxsan magaalada Hargeysa, ayaa hore u ahaa goob ay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ka fuliyeen xukunnada dilka ah ee maxkamaduhu soo saareen. Sannadihii hore ayaa halkaas lagu fuliyey xukunnada dad lagu helay dilal kala duwan. 

Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan magacyada sagaalka qof, dambiyada gaarka ah ee mid kasta lagu helay iyo kiisaskii ay ku lug lahaayeen si rasmi ah looma shaacin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments