Sahan Media Muqdisho: Doon yar oo siday muhaajiriin iyo qaxooti ayaa ku degtay xeebta Yenne ee galbeedka dalka Senegal, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan hal qof.
Mas’uuliyiin maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in doonidda oo ahayd nooca hoose fidsan (pirogue) ay ku dhacday dhagaxaan, kadibna ay mowjaduhu soo gaarsiiyeen xeebta xilligii habeenkii ee u dhexeeyay Talaadada iyo Arbacada. Sida uu sheegay mas’uul maxalli ah oo la soo doortay, qof ka badbaaday shilkaas oo ay su’aalo weydiiyeen ciidamada ammaanka (gendarmerie) ayaa sheegay in doonidaas ay saarnaayeen ilaa 100 qof, oo ay ku jiraan shan dumar ah.
Duqa magaalada Yenne, Massamba Mbengue, iyo kooxaha dab-damiska ee deegaanka ayaa sheegay in la helay meydka hal qof, halka ilo kale oo maxalli ah ay sheegayaan in tirada dadka dhintay ay gaarayaan laba qof.
Oumar Sow, oo ah wakiilka madaxa tuulada, ayaa sheegay in dhacdadu “ay dhacday abaaro 2:00-kii habeenimo [02:00 GMT]. Waxaa la maqlayay qaylo ka imaanaysay doonida, taas oo laga maqli karay xitaa xeebta dhexdeeda”.
Doonta ayaa ku caariday xeebta iyadoo xaaladdu aad u xun tahay, sida ay sheegeen dad goob joog ah.
Taliye ka tirsan ciidanka booliska ayaa kala saaray alaabtii laga helay doonta, oo ay ku jiraan bacaha biyaha iyo alaabta shaqsiga ah.
Sideed dukumenti oo aqoonsi ah, dhowr taleefanno gacmeed iyo dukumeenti dugsi oo uu lahaa arday dugsi sare ka soo jeeda Kabrousse, oo ku taal koonfurta Senegal, ayaa sidoo kale la helay, sida uu sheegay sarkaalka maxalliga ah.
Sarkaalka ayaa sheegay in Yenne ay noqotay meel ay ka soo degaan dadka tahriibka ah, iyadoo dadka tahriibiya ay yimaadaan tuulada si ay u qortaan wadayaasha doonyaha.


