HomeWararka MaantaIngiriiska: Guddigii u ololeyn jiray qadiyadda S/Land oo fadeexad darteed isu casilay

Ingiriiska: Guddigii u ololeyn jiray qadiyadda S/Land oo fadeexad darteed isu casilay

Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanno miisaan leh oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ee UK ayaa iska casilay, qaarna ay qaadaceen ka qaybgalka shirarka guddiga baarlamaanka UK u qaabilsan arrimaha Somaliland (APPG), kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay aqoonsiga Israa’iil iyo siyaasadaha ka dhanka ah qaxootiga ee uu taageero guddoomiyaha guddigaas, Gavin Williamson.

Sida ay baahisay warbaahinta Middle East Eye, guddigan oo ah madasha ugu weyn ee baarlamaanka Britain looga dhex ololeeyo qadiyadda Somaliland iyo jaaliyaddeeda, ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo ka hor fasaxii xagaaga, taas oo muujinaysa sida uu u curyaamay.

Kim Johnson, oo ah xildhibaanad ka tirsan garabka bidix ee xisbiga Labour-ka isla markaana muddo ka badan lix sano ahayd guddoomiye ku-xigeenka guddigan, ayaa iska casishay xilkaas kadib markii sarkaal ka tirsan dowladda Israa’iil uu si lama filaan ah uga soo muuqday munaasabad bishii May lagu qabtay baarlamaanka UK oo lagu xusayay sannad-guurada gooni-isu-taagga Somaliland. 

“Markii aan maqlay in sarkaal ka socda dowladda Israa’iil uu imaanayo goobta, si degdeg ah ayaan uga baxay munaasabadda,” ayay Johnson u sheegtay Middle East Eye, iyadoo xustay in arrintaasi ay ahayd middii ugu dambeysay ee sababtay inay isaga tagto guddiga. 

Sidoo kale, Abtisam Mohamed oo ah xildhibaanadda laga soo doorto Sheffield Central, xubinna ka ah guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka isla markaana ahayd ku-xigeenka Johnson, ayaa toddobaadkan iska casishay guddiga.

Abtisam ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada shacabka Somaliland, balse ay u baxday “khilaaf muddo soo jiitamayay oo ku saabsan jihada uu u socdo guddiga.

Dhanka kale, xildhibaanad Kerry McCarthy oo wax ka aasaastay guddigan sanadkii 2005-tii, ayaa joojisay ka qaybgalka dhammaan howlaha guddiga ilaa uu xilka ka degayo guddoomiyaha guddigaas, Gavin Williamson, oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka. 

Kim Johnson, oo laga soo doorto magaalada Liverpool oo ay ku nool yihiin jaaliyad badan oo kasoo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in “ujeeddadii iyo ruuxii guddiga ay gebi ahaanba isbeddeleen” tan iyo markii Israa’iil ay bishii December noqotay dalka kaliya ee aqoonsada Somaliland.

Waxay intaas ku dartay in aqoonsiga Israa’iil uu kala qaybsanaan weyn ka dhex abuuray jaaliyadaha gudaha UK, ilaa heer la weeraro dadka u dooda xuquuqda Falastiiniyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments