Sahan Media Muqdisho: Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay ku baahisay barteeda Facebook ku sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Warsaxafeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan “Hiil Walaal.
“ Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in, iyadoo la xiriirta dhacdadii 19-kii Nofeembar, abaare 1:00 duhurnimo, oo ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, ay xiriir la sameysay taliska Qaybta Afraad ee Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), markii xaaladdu dhacday, ciidamada howlgalka ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay ka hortageen in garoonka diyaaradaha gacanta lagu dhigo.”ayaa lagu yiri warsaxafadeedkan.
Safaaradda ayaa intaas ku dartay in joogitaanka ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay dadaalka iyo ballanqaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ee taageeridda nabadda, xoojinta amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegtay in Jabuuti ay ka go’an tahay inay gargaar iyo taageero siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Ciidamada Jabuuti ayaa gacanta ku haya garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif tan iyo sannadkii 2012-kii.


