Sahan Media Muqdisho: Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo muujinaya Oleynik Aleksandr oo u dhashay dalka Ukraine iyo duuliye diyaaradeed oo ay kooxdaasi gacanta ku haysay tan iyo horraantii sanadkii 2024-kii.
Aleksandr waxa uu ahaa kabtanka diyaarad Helicopter ah oo ay Qaramada Midoobay heshiis la gashay taasoo si deg deg ah ugu degtay dhulka ay maleeshiyaadku maamulaan xilli ay ku sii jeedday Wisil oo u dhow Ceelbuur, Soomaaliya.
Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah, ayaa waxay ku shaqaysanaysay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), waxaana la sheegay in cilad farsamo awgeed lagu qasbay inay soo degto January 2024-kii. Wixii markaas ka dambeeyay, duuliyihii iyo shaqaalihii kale waxay ku jireen gacanta Al-Shabaab. UNSOS waxay taageero saadka iyo duulista siisaa howlgalka Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ee dalka oo dhan.
Muuqaalka cusub ee la sii daayay, Aleksandr waxa uu si toos ah ugu baaqayaa dawladda Ukraine iyo Qaramada Midoobay, isaga oo ku boorinaya inay bilaabaan wada xaajood lagu sii daynayo.

Waxa uu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna yiri: “Bishii Janaayo 2024-kii, anagoo ku sugnayn gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaa na soo wajahay xaalad degdeg ah oo nagu qasabtay inaan ku degno dhulka ay maamulaan Al-Shabaab..
“Waxaan la hadlayaa Qaramada Midoobay, maadaama aan ku guda jirnay howsheenna UNka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa halkan noo soo diray, maanta, waxaan u baahanahay ilaalin iyo gargaar degdeg ah,” ayuu yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in QM ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay ilaaliso Qandaraaslayaasha la afduubto iyaga oo fulinaya howlaha nabad ilaalinta. Farriin qiiro leh oo uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku yiri: “Waxaan kaa baryayaa inaadan indhaha ka qarsan dhibaatadayada.”
Ilaa hadda, Qaramada Midoobay iyo dawladda Ukrain midna si cad ugama hadlin muuqaalkan iyo suurtogalnimada in laga wada xaajoodo maxaabiista.
Al-Shabaab ayaa horay u qabsaday diyaarado ciidan iyo kuwo rayid ah oo si qasab ah ugu soo dagay ama ku burburay deegaanada ay ka taliyaan, iyadoo inta badan dhacdooyinkan oo kale u adeegsan jiray dacaayad.


