Google search engine
HomeWararka MaantaAyaan Xirsi Cali: dhibaatada Minnesota "waxaan si niyad ah ugu raacsanahay madaxweynaha."

Ayaan Xirsi Cali: dhibaatada Minnesota “waxaan si niyad ah ugu raacsanahay madaxweynaha.”

Sahan Media Muqdisho: “Madaxweynuhu wuu ku saxan yahay marka uu leeyahay Soomaaliya xitaa qaran ma laha,” ayay tiri. “Isku dayo kasta oo Soomaaliya lagu dhisayo mar walba wuu guul darreystaa waxaana ugu wacan qabiilka iyo Islaamka dartiis.

Intaa waxaa dheer, Ayaan Xirsi Cali waxay sheegtay in xaaladda Minnesota ay daaha ka qaadayso “ajendaha qaldan ee ka jira Minnesota si loo beddelo oo loo Islaamiyo dadka iyada oo la adeegsanayo hay’adaha Maraykanka iyo erayada xuquuqda madaniga ah.”

Waxaad arkaysaa in Soomaalidu ay ka faa’iidaysato systemka oo ay kala soo baxdo nidaamka wixii dan u ah” ayay tiri, “Waxay qof walba oo arrimohooda baaraya leeyihiin ‘Haddii aad arrimahan soo bandhigtaan, waxaad u samaynaysaan cunsurinimo iyo Islaam nacayb.

“Haddii aan sii wadno waxa aan sameyneyno, waxaa imanaya dad aad u tiro badan oo ka socda dunida saddexaad oo dagi doona Maraykanka iyo wadamada Yurub oo ay ku tiirsan yihiin cayrta iyagoo aan waxba ku soo kordhinayn, markaa waxaan nafteena ku samaynaynaa ama u keenaynaa kaliya maahan guul darro ee waxaan sameyneynaa is-dilid dhaqan, qaran iyo siyaasadeed.”

Si arrintan loola dagaallamo, Ayaan Xirsi Cali waxay sheegtay in waddamada Yurub ay ku qasban yihiin inay raacaan tusaalaha maamulka Trump ee xiritaanka xuduudahooda. Waxay sheegtay in Mareykanka iyo Yurub ay sidoo kale tahay inay wax ka qabtaan nidaamyadooda daryeelka ee ballaaran ee soo jiidanaya soogalootiga, kuwaas oo ay sheegtay inay “aad qaali u yihiin.”

Gobolka Minnesota, Ayaan Xirsi Cali waxay ku talisay in dadka Soomaalida ah in ay la jaan-qaadaan dhaqanka Maraykanka.

“Waa inaan ku qasbinaa inay ay dhaqanka badalaan, ama waa inay kala doortaan in ay ku biiraan bulshada Mareykanka ama wadanka isaga tagaan ama waa laga saarayaa.” ayay tiri. “Tani maahan wax ku xiran” Haa ama waayahay ee waa wax ku xiran jiritaantka Mareykanka ayay tiri Ayaan Hersi Ali.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments