Google search engine
HomeWararka MaantaBanaan-bixii maanta oo 9 maalmood guduhood la qaban doono

Banaan-bixii maanta oo 9 maalmood guduhood la qaban doono

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyay in Nabadoonno jufadiisa ah la xiray, islamarkaana uu isaga ka badbaaday isku day dil.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xiray dhowr iyo toban xubnood oo ay ku jiraan Nabadoono si gaar ah ugu heyb ah madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed.

Nabadoonada iyo xubnaha kale ee Caawa la xiray ayaa shir ku lahaa Hotelka Lafweyn ee ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ciidamada amniga kasoo xireen Nabadoonnada.

Nabadoonnadan Caawa la xiray oo gaarayay illaa 25 oday ayaa dib u helay xoriyadooda kadib saacado ay ku xirnaayeen saldhiga Booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

“Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Hoggaamiyaha madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in banaanbaxa berri dib loo dhigay uuna dhacayo muddo sagaal maalmood gudohood ayna muujin doonaan dareenkooda.

Wuxuu sidoo kale xusay Shariif Sheekh Axmed ineysan jirin ciidan hubeysan oo ay wataan mucaaradka, isagoona sheegay in ciidankooda aysan ka duwaneyn ilaalada ay wataan madaxda dalka.

“Ilaalada aan wadanno waa kuwii aan shalay wadannay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments