Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska ayaa ku biiray boqolaal qof oo isugu soo baxay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan dad rayid ah oo lagu laayay Suudaan Sabtidii, iyagoo ku baaqayay tallaabo caalami ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha.
Dibad-baxayaasha, oo ay ku jiraan xildhibaan Gabrielle Cathala iyo Carlos Martens Bilango, ayaa isugu soo baxay fagaaraha Bastille 3-dii galabnimo ee waqtiga maxaliga ah, iyagoo u hiiliyay shacabka Suudaan.
Waxay aamusnaayeen hal daqiiqo oo lagu xasuusanayay dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay gudaha iyo hareeraha magaalada Ceel-Fashir ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur, oo ka mid ah meelaha sida aadka ah ay u saameeyeen dagaallada socda.
Dadku waxay ku dhawaaqayeen “Xornimada Suudaan,” “Ciidamada Taageerada degdega ah waa dambiile,” iyo “Isbahaysiga Suudaan,” dadku waxay isagu soo baxeen Place de la Nation, iyagoo dalbanaya nabad iyo caddaalad ay helaan dadka Suudaan.
Boorar badan oo ay ku qoran yihiin “Dadka Suudaan waxay shaqeeyaan habeen iyo maalin si ay u sii noolaadaan” iyo “Aamus marka dadku hurdaan, ma aha marka ay dhimanayaan,” iyaga oo hoosta ka xariiqay codsigooda wacyigelinta caalamiga ah.
Dibad-baxayaashu waxay ku booriyeen beesha caalamka inay soo farageliyaan joojinta dhimashada rayidka iyo taageeridda dadaallada nabadda ee Suudaan.
Tan iyo 15-kii Abriil, 2023, ciidamada Suudaan iyo ciidamada nabad-sugidda degdegga ah (RSF) waxaa ka dhex-jiray dagaal ay dhexdhexaadin badan oo heer gobol iyo mid caalami ah ku guul-darreysteen inay soo afjaraan. Colaadda ayaa dishay ilaa 20,000 oo qof halka in ka badan 15 milyan ay ku barakaceen qaxooti ahaan iyo dad gudaha ku barakacay, sida ay sheegayaan warbixinnada Qaramada Midoobay iyo kuwa maxalliga ah.
Horaantii Sabtidii, kooxda caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa walaac ka muujisay nolosha kumannaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha Ceel-Fasher ka dib markii RSF ay la wareegtay magaalada.
MSF waxa ay sheegtay in kooxaheeda Tawila ay isu diyaariyeen in ay la tacaalaan qulqulka dadka badan ee barokacayaasha ah iyo shakhsiyaadka dhaawaca ah kadib markii ay magaaladu gacanta u gashay RSF.
Arbacadii, hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti) ayaa qirtay in “xadgudubyo” ay ciidamadiisu ka geysteen Ceel-Fasher, isaga oo ku andacoonaya in la sameeyay guddiyo baaritaanno ah.


