Google search engine
HomeWararka MaantaBanaanbax looga soo horjeedo weerarkii xeebta Liido oo ka socda Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii xeebta Liido oo ka socda Muqdisho

Sahan media Muqdisho: Magaalada Muqdisho Xeebta Liido maanta waxaa ka dhacay Banaan-baxa ballaaran oo looga soo horjeeday weerarkii dadka badan lagu laayay ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxbka galabsan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Khawaarijta oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada Al-Shabaab

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta” ayuu isna yiri wasiir Barre.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments