Google search engine
HomeWararka MaantaBanaanbaxa ka dhacay Burco maxaa u sabab ah?

Banaanbaxa ka dhacay Burco maxaa u sabab ah?

Sahan Media Muqdisho: Mudaharaadayaasha reer Burco ayaa sheegay in aan lasii deyn maxaabiista laga hayo SSC-Khaatumo, balse marka hore lasoo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira xabsiga magaalada Laascaanood.

Shacab careysan ayaa buburiyey gaadiid dowladda leedahay ayagoo xiray wadooyinka waaweyn, ciidamada booliiska ayaa rasaas ay rideen ku dhaawacay tiro dad rayid ah.

Maamulka Somaliland ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin wararka sheegaya in maxaabiis lasii deynayo, walow wararkaasi si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

Horey ayey Somaliland u siideysay 11 maxbuus oo kasoo jeeda Puntland oo lagu qabtay dagaaladii Laascaanood, halka Puntland dhankeeda xoriyadooda siisay 16 kamid ah askartii Somaliland looga qabtay dagaalkaas, kadib markii labada maamul ay xiriir toos ah yeesheen.

Maxaabiista ugu badan ee laga hayo Somaliland ayaa ku jira xabsiga Laascaanood, waxaana weli lagu guuleysan in wadahadal toos ah dhexmaro Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa bishii hore siidaayey 25 qof oo kasoo jeeda Somaliland kadib booqashadii uu Raysalwasaare Xamze ku tagay Laascaanood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments