Sahan Media Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda Asarbayjaan Jeyhun Bayramov ayaa khamiistii sheegay suurtagalnimada iskaashi saddex geesood ah oo ay la yeelanayaan Turkiga iyo Soomaaliya.
“Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir adag, marka la eego iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Azerbaijan iyo Turkiga, waxaa laga wada hadlay fursadaha iskaashiga ee saddexda dal,” ayuu Bayramov ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku wada qabteen magaalada Baku dhiggiisa Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali.
Bayramov ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay is garabsiga labada dal ee ku aaddan isbaheysiga caalamiga ah oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in xiriirka Asarbayjaan iyo Soomaaliya uu aad u soo hagaagayay sanadihii ugu dambeeyay.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay xubin ka ahayd kooxda xiriirka ah ee lagu aasaasay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) si ay uga hortagaan weerarrada Armenia ee ka dhanka ah Azerbaijan.
“Asarbayjaan sidoo kale waxay taageertaa madaxbanaanida dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya ayuu Bayramov hadalkiisa ku daray.
Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Asarbayjaan ka qeyb qaadashada Soomaaliya ee dhanka Tamarta iyo Shidaalka, isagoo xusay in dalkiisa uu khibrad badan u leeyahay dhanka Beeraha.
“Waxaan rabnaa inaan horumarinno iskaashiga Asarbayjan, sidoo kale leenahay iskaashi ballaaran oo dhanka difaaca iyo amniga ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dalalka Turkiga, Azerbaijan iyo Soomaaliya ay suuragal tahay inay iska kaashadaan baarista kheyraadka dabiiciga ah ee dalkiisa.