Google search engine
HomeWararka MaantaBooliiska Malawi ayaa xiray saraakiishii doorashada kadib markii lagu eedeeyay in ay...

Booliiska Malawi ayaa xiray saraakiishii doorashada kadib markii lagu eedeeyay in ay wax isdaba marin sameeyeen

Sahan Media Muqdisho: Booliiska Malawi ayaa xiray sideed ka mid ah saraakiisha doorashada oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay wax ka bedelaan natiijada doorashada iyadoo tirinta codadka ay socoto doorashada Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday dalka Koonfur Bari Afrika.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka booliska Peter Kalaya ayaa ku sheegay in 8-da sarkaal ee doorashada ka tirsan ay ku jiraan xog-hayayaal iyo sarkaal madax ah oo subaxnimadii Sabtida laga soo xiray deegaanka Nkhoma ee dhulka miyiga ah ee caasimadda Lilongwe.

“Ilaa hadda waxaanu wadnay baaritaano aa ku ogaanayno sababta keentay iyo cidda ay dani ugu jirto, sidaa awgeed waxaanu shacabka ugu baaqaynaa in ay is dejiyaan maadaama aanu sugeyno natiijada rasmiga ah ee doorashada”ayuu yiri Kalaaya.

Talaadadii, 7 milyan oo qof oo Malawi ah oo xaqa u leh ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub, xubnaha baarlamaanka iyo golaha deegaanka si ay u maamulaan dalka shanta sano ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, wixii markaas ka dambeeyay, guddiga doorashada Malawi (MEC) ayaan weli soo saarin natiijo rasmi ah oo qayb ahaan, taasoo dhaleecayn uga timid dhinacyada muhiimka ah ee doorashada oo hadda guddiga ku cadaadinaya inay natiijada soo bandhigaan.

Saraakiisha doorashada Malawi ayaa dib u dhaca u sababeeyay cilad dhanka shabakada ah. Laakiin wuxuu yiri “dhammaan waa ay socdaan si loo saxo caqabadaha.”

Madaxweynaha hadda talada haya ee Lazarus Chakwera oo ka tirsan xisbiga Koongareeska Malawi (MCP) ayaa doonaya in dib loo doorto, halka madaxweynihii hore ee Arthur Peter Mutharika oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Progressive Party (DPP) uu yahay musharaxa ugu weyn ee kula tartamaya doorashada aadka loogu loolamaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments