Google search engine
HomeWararka MaantaBurcadda Haiti oo bilaabay inay dilaan ciidanka Kenya

Burcadda Haiti oo bilaabay inay dilaan ciidanka Kenya

Sahan Media Muqdisho: Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo roondo la socday ciidamada caalamiga ah ee Haiti ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray isaga iyo xubno burcad ah.

Sarkaalkan ayaa ah dhaawacii ugu horeeyey ee soo gaara howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah ee Kenya (MSS).

Ciidamadan ayaa loo diray Haiti bishii June ee sanadkii hore si ay gacan uga geystaan ​​soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta dalka, halkaasoo kooxaha burcadda ah ay la wareegeen ku dhawaad ​​guud ahaan caasimadda Port-au-Prince iyo sidoo kale dhul ballaaran oo miyi ah.

In ka badan 5,500 oo qof ayaa lagu dilay rabshado la xiriira baandooyinka oo ka dhacay Haiti 2024-kii in ka badan hal milyan oo qofna way ka carareen guryahoodii.

Taliyaha ciidamada caalamiga ah Gen Godfrey Otunge ayaa sheegay in askariga ka tirsan booliska Kenya lagu dhaawacay deegaanka Artibonite oo ka tirsan gobolka waqooyi ee caasimadda dalka Kenya.

Gen Otunge ayaa sheegay in sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin isla markiiba diyaarad loogu qaaday isbitaalka, halkaasi oo uu ku geeriyooday wax yar kadib.

Jack Ombaka, oo ah afhayeenka MSS, ayaa war qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in sarkaalku uu ahaa “halyey la dilay isagoo u dagaallamaya dadka Haiti, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay sheegtay inay aad uga xun tahay khasaaraha soo gaaray sarkaalka.

Mr. Ombaka ayaa sheegay in sarkaalka uu toogtay nin burcad ah, xilli ay ciidamada ammaanka ka wadeen magaalada Pont-Sondé.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada caalamiga ah ay “baacsanayaan kooxahan burcadda ah ilaa ninka ugu dambeeya”

Hay’adda MSS-ta ayaa horraantii bishan waxaa soo gaaray 200 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Kenya, balse ciidankan ayaa waxaa ka awood badan kooxaha burcadda ah, kuwaasi oo weli isku hubeeya hub xooggan oo si sharci darro ah looga soo dhoofiyo dalka Mareykanka.

Mustaqbalka ciidamada caalamiga ah – oo ay sidoo kale leeyihiin saraakiil ka socda Bahamas, Belize, El Salvador, Guatemala iyo Jamaica – ayaa shaki la geliyay toddobaadyo ka hor markii maamulka Trump uu amray in la joojiyo barnaamijyada gargaarka dibadda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa markii dambe ogolaaday in laga tanaasulo lacagaha Mareykanka ee loogu talagalay MSS iyo Booliska Qaranka Haiti, laakiin wali ma cadda in dowladda Mareykanka ay taageerto in MSS-ta laga dhigo howlgal nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ah, taas oo ka dhigi doonta mid dhaqaalaheeda la sugo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments