Sahan Media Muqdisho: Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa ku guulaystay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaddib markii musharax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo wareegga labaad la tartami lahaa uu ka tanaasulay doorashada.
Tanaasulka Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku yimid, kaddib musharax Jamaal Maxamed Xasan oo ku haray wareegga koowaad uu codadkiisii ku wareejiyay madaxweyne Firdhiye, taasoo dishay rajada uu Cabdirisaaq Khaliif ka lahaa wareegga labaad ee doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Firdhiye ayaa mar kale sii hoggaamindoona maamulka cusub, isagoo nasiib u yeeshay inuu muddo 5 sano ah xilka sii hayo.
Dhinaca kale, Waxaa madaxweyne ku xigeenka ku guulaystay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne Firdhiye iyo Abwaan Cabdirashiid oo isku dhinac ah ayaa horey loogu saadaalinayay inay ku guulaysan doonaan doorashada maamulka cusub, waxaana la ogsoon yahay inay ahaayeen labo musharax oo ay Dowladda Federaalka taageeraysay.
Doorashadan ayaa dhameystir u ahayd geeddi socodka dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasoo illaa bishii July dhismihiisu ka socday magaalada Laascaanood.