Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamada Badda Masar ayaa soo gaarsiiyay Soomaaliya gargaar milateri

Ciidamada Badda Masar ayaa soo gaarsiiyay Soomaaliya gargaar milateri

Sahan media Muqdisho: Sida lagu sheegay xog ay daabaceen ilo-wareedyo Ruushku leeyahay, ciidamada badda ee Masar waxay Soomaaliya gaarsiiyeen kaalmo ciidan oo la taaban karo.

Munaasabadan oo lagu soo dhaweynayay markab weyn oo nooca xamuulka qaada ah oo ay leeyihiin ciidamada Masar ayaa waxaa ku wehlinayay markabka ENS Port Said oo laga leeyahay dalka Masar, kaasi oo ah nooca loo yaqaan Gowind-ka, kaasi oo ilaalo ka ahaa ama galbinayay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhoweeyay imaatinka, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay kaalmada milateri, isagoo xusay in Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadatay xulafada gobolka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay la safan doonto cid kasta oo danaheeda ka shaqeysa.

Xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay sanadka 2024-ka. Arrimaha udub-dhexaadka u ah waxa ka mid ah heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, oo ah maamul-goboleed raba in uu ka go’o Soomaaliya, oo ay ka kiraysatay dhul xeebeed dhan 20 KM.

Heshiiskan oo Itoobiya siinaya in ay galaan badda cas, ayaa Soomaaliya waxay kala kulantay mucaaradad xooggan, oo u aragta in heshiiskaas uu xadgudub ku yahay midnimada dhuleed, waxayna heshiiskan u aragtaa mid lagu wiiqayo qaranimadeeda.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments