Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamada ICE ee Minneapolis oo xiray shan Somali ah

Ciidamada ICE ee Minneapolis oo xiray shan Somali ah

Sahan Media Muqdisho: Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa xirtay toddobo kale oo dambiilayaal sharci-darro ah, oo ay ku jiraan xubno burcad ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada” intii lagu jiray Hawlgalka Metro Surge ee Minneapolis.

Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha (ICE) ayaa Jimcihii ku dhawaaqday liiskeedii ugu dambeeyay ee dadka la xiray, iyadoo dembiilayaasha ay ka kala yimaadeen Soomaaliya, Venezuela, Ecuador, Dominican Republic iyo Guatemala.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku jiray Cabdi Geelle Maxamed iyo Sahal Cismaan Shidane oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay DHS sheegtay in lagu helay dambiyo la xiriira xadgudub faraxumayn ah.

Mukhtaar Maxamed Cali, oo sidoo kale ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa lagu helay dambi ah dhac iyo faraxumayn, sida ay sheegtay DHS.
Xarigga ayaa yimid ka dib markii ay DHS sheegtay Khamiistii in ay Minneapolis ka aruurisay ugu yaraan 12 muhaajiriin sharci darro ah, oo ay ku jiraan shan qof oo Soomaali ah, lix ka yimid Mexico iyo mid ka yimid El Salvador.

Waaxda cadaaladda ayaa sidoo kale toddobaadkan dacwad federaal ah ku soo oogtay Cabdimahat Bille Maxamed, oo 28 jir ah, oo lagu xukumay dambiyo faraxumayn ah isagoo ku sugan gobolka Minnesota, kaasoo lagu eedeeyay inuu afduub iyo kufsi kula kacay haweeney uu kula kulmay Snapchat bishii Sebtembar.

Waxa lagu xukumay bishii May laba kiis oo faraxumayn galmo ah oo kala duwan, laakiin xaakimku waxa uu u ogolaaday in aanu wax xabsi ah galin markii uu saxiixay heshiis qirasho ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments