Sahan media Muqdisho: Ciidamada cirka ee Maraykanka iyo UK ayaa qaaday 15 weerar oo xagga cirka ah, kuwaas oo lala beegsaday caasimadda Sanca iyo gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen, sida ay sheegtay warbaahinta Xuutiyiinta maanta oo Khamiis ah.
Dhinaca kale, Warfidiyeenka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Cirka ee Maraykanka iyo UK ay Sagaal Duqeymo ah ka fuliyeen Degaanada Kahlan iyo Al-Abla ee Bariga Sacda.
Si kastaba ha ahaatee, kanaalka Xuuthiyiinta ma aysan bixin wax macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in duqeymahan ay geysteen khasaare nafeed iyo mid dhaawac.
Gobolka Sacda ayaa ah xarunta ugu weyn ee kooxda Xuuthiyiinta, waxaana caasimadda Sanca ay gacanta ku haysay tan iyo bishii Sebtembar 2014-kii.
Isagoo ka jawaabaya duqeynta, Nasrudiin Amer, ku xigeenka madaxa xafiiska warbaahinta ee Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay ka aargudan doonaan weerarada Mareykanka iyo UK ay ku hayaan Yemen, isagoo carabka ku adkeeyay in mowqifka kooxdiisa ee Gaza iyo Lubnaan uu ahaan doono mid aan waxba iska bedelin.
Gelinkii dambe ee Arbacadii, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ee B-2 ay fuliyeen “duqeymo sax ah” oo lagu qaaday shan goobood oo lagu keydiyo hubka dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Yemen oo Xuutiyiinta ay maamulaan.
Tan iyo bilowgii sanadka 2024-ka, isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka waday Yemen, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta, si ay uga jawaabaan weerarrada ay kooxdan ka geysatay badda cas. Kooxda ayaa mararka qaar ka jawaab celisa weerarada.
Iyaga oo is garabsanaya Gaza, oo wajaheysa dagaal xasuuq ah tan iyo Oct. 7, 2023, Xuutiyiintu waxay bartilmaameedsadeen maraakiibta xamuulka ee Israel ama kuwa lala xiriiriyo Tel Aviv ee Badda Cas gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan hawlgallada ilaa dhamaadka duullaanka lagu hayo.
Markii ay soo farageliyeen Washignton iyo London xiisada ayaa cirka isku sii shareertay, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay hadda u aqoonsan yihiin dhammaan maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska bartilmaameedyo ciidan.