Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamada Suudaan oo qorsheynaya in ay dhistaan ​​dowlad kumeel-gaar ah

Ciidamada Suudaan oo qorsheynaya in ay dhistaan ​​dowlad kumeel-gaar ah

Sahan Media Muqdisho: Milateriga Suudaan ayaa ku baaqay in taageero diblumaasiyadeed loo fidiyo dowlad cusub oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay dhistaan ​​kadib markii ay dib uga qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Khartoum oo ay kala wareegeen xoogagga iska soo horjeeda.

Ciidamada Suudaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dib ula wareegayay gacan ku heynta goobihii ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Rapid Support Forces (RSF).

Hoggaamiyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa u sheegay shir ay yeesheen siyaasiyiinta taageera ciidamada dhamaadkii todobaadka in uu soo dhisi doono xukuumad dagaal oo “technocratic” ah oo uu la socdo ra’iisul wasaare.

Waxa uu ku adkaystay in aanay wax gorgortan ah la geli doonin RSF. Labada dhinac ayaa dagaalkoodu socday muddo laba sano ku dhow – colaadaas oo sababtay in 12 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxaan, qaar badana ay gaajo u dhintaan.

Gen Burhaan ayaa sidoo kale sheegay in uu jiri doono dastuur cusub ka hor inta aan la dhisin dowladda KMG ah.

Waxaan ugu yeeri karnaa dowlad ku meel gaar ah, dowlad dagaal ah, laakiin waa dowlad naga caawin doonta dhameystirka waxa ka haray ujeeddooyinkeenna ciidan, taasoo Suudaan ka xoreyneysa jabhadahaas,” ayuu yiri Sabtidii.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Axaddii shalay ayaa loogu baaqay “Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, in ay taageeraan qorshe-hawleedkii ay dowladdu soo bandhigtay si loo helo heshiis qaran oo lagu yagleelayo nabadda iyo xasilloonida iyo dhameystirka howlaha xilliga kala guurka ah”.

Dagaalka socda, oo tobanaan kun lagu dilay, ayaa qarxay Abriil 2023 ka dib markii Gen Burhaan iyo madaxa RSF Gen Maxamed Xamdaan Dagalo ay isku khilaafeen qaabka mustaqbalka ee dowladda.

Colaadda ayaa abuurtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka caalamiga ah.

Ciidamada iyo RSF-ta ayaa labaduba lagu eedeeyay inay gaysteen gabood-falo aad u weyn oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo madaxdooda uu cunaqabatayn saaray Mareykanka. Sidoo kale, RSF ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysatay deegaanka Daarfuur.

Labada ciidanba way beeniyeen eedeymahaas.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidanku waxay guulo waaweyn ka gaareen RSF ee caasimadda iyo gobolka Gezira.

Ciidamadii gurmadka ahaa ayaa dib uga gurtay deegaanadaas oo ay kaga awood roonaadeen ciidamada cirka oo la ballaariyay iyo sidoo kale taageero dhanka dhulka ah oo ay ka helayeen maleeshiyaadka huwanta ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxay weli gacanta ku haysaa inta badan galbeedka dalka, halkaas oo ay ka socdeen iskahorimaadyo xooggan oo ay ku doonayso inay ku xoojiso gacan ku haynta gobolka Darfur.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments