Sahan Media Muqdisho: Ugu yaraan 20 qof ayaa dhinatay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ee badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee ANSA Talaadadii.
Tan iyo intii doonida ay saarnaayeen muhaajiriintan ku dagtay xeebaha Lampedusa, 20 mayd ayaa la soo saaray ilaa hadda, iyadoo howlaha badbaadada ay weli socdaan, ayay tiri.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu horreeyay, waxaa jira ilaa 80 qof oo badbaaday.