Google search engine
HomeWararka MaantaDagaallada qabaa'ilka ah ee soo noqnoqda maxaa xal u ah?

Dagaallada qabaa’ilka ah ee soo noqnoqda maxaa xal u ah?

Sahan Media Muqdisho: Kooxo hubaysan ayaa weerar gaadmo ah ku diley laba qof oo shacab ah, AUN Marxuum Siciid Guure Cali oo watay gaari Dhaweeye ah ayaa murxuumad Canab Burhaan Maxamed Cabdi oo uu ka soo qaaday beer dalxiis oo ku taalla duleedka Galkacyo.

Dableydan ayaa weerar ku qaaday gaari uu watay marxuumka iyo qofka dumarka ah ee la socday, iyagoo rasaas oodda uga qaaday, halkaana ku dilay.

Maamulka Gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga ayaa ku guulaysan waayay inay xal u helaan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka, kuwaas oo Gobolka Mudug aad ugu soo badanayay.

Dhowr bilood ka hor degaanka Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa sidaan oo kale aano qabiil loogu dilay labo nin oo ganacsato ahaa, kuwaas oo mid kamid ah uu ahaa maamulihii shirkadda Golis ee degaankaas.

Dadka arrimahan u dhuun daloola ayaa sheegaya in sababaha ay usoo laalaabanayaan dilalkan ay tahay, in aan caddaaladda la marsiinin dambiilayaasha geysta falalkan, kuwaas oo marka ay falka geystaan baxsada lana soo qaban waayo, taasoo keenta in dilalka soo kordhaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments