Google search engine
HomeWararka MaantaDanjire Mouktar Osman Karie oo loo magacaabay ku xigeenka madaxa taageerada iyo...

Danjire Mouktar Osman Karie oo loo magacaabay ku xigeenka madaxa taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)

Danjire Mouktar Osman Karie ayaa la wareegay xilka Ku-xigeenka cusub ee Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya (DRCC) ee Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo xoojinaya joogitaanka hoggaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Danjire Kaariye ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Isxaaq Maxamuud Mursal, wasiiru dowlaha gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan AUSSOM.

Danjire Karie waxa uu khibrad dheer oo dublamaasiyadeed iyo mid siyaasadeedba u keenay nabadda iyo ammaanka Afrika oo dhan. Waxa uu dhawaanahan ahaa Isuduwaha Galbeedka Afrika iyo Komishanka Midowga Afrika, halkaas oo uu u fidiyay wada-shaqeyn heer sare ah oo istaraatiijiyadeed oo lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah iyo ururrada gobolka, wuxuuna gacan ka geystay wax ka qabashada AU ee ku aaddan isbeddellada siyaasadeed iyo caqabadaha maamulka ee gobolka.

Markii hore, waxa uu xilal sare ka soo qabtay Waaxda Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, halkaas oo uu ka qayb qaatay qaabaynta iyo isku dubaridka qaab-dhismeedka iskaashiga amniga gobolka ee Midowga Afrika ee Saaxil iyo Geeska Afrika. Dadaalkiisa waxaa ka mid ahaa taageeridda dhisidda Geeddi-socodyada Jibouti iyo Nouakchott iyo hawlgelinta Xidhiidhka Bariga Afrika (EAFLU), habab kobciya iskaashiga gobolka ee hay’adaha amniga qaranka.

Wuxuu si fiican ugu hadlaa luuqadaha Faransiiska, Carabiga iyo Ingiriiska, wuxuuna la imaanayaa khibrad badan oo xoojinaysa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments