Sahan Media Muqdisho: Musiibo ayaa ku habsatay Ciidanka Cirka ee Zimbabwe (AFZ) Talaadadii markii la sheegay in diyaarad iyo tababarayaal ay burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Manyame, halkaas oo galaaftay nolosha laba qof.
Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin, diyaaradda ayaa korontadii lumisay abbaare 12:15 PM, daqiiqado kaddib markii ay ka tagtay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Duuliyaha ayaa la sheegay in uu isla goobta ku dhintay, halka mid ka mid ah askartii saarneyd diyaaradda uu dhaawac soo gaaray isagana abaarihii 4-tii galabnimo ku geeriyooday isbitaalka.
AFZ ayaan wali si rasmi ah u xaqiijin dhacdadan, balse ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in diyaaraddu ay cilad ku timid mishiinka wax yar ka dib markii ay kacday oo ay ku burburtay agagaarka meel beero ah.
Waxaa la filayaa in la bilaabo baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay shilkan diyaaradeed, iyadoo AFZ laga yaabo in ay faah faahin dheeri ah ka bixiso waqtiga ku habboon.