Sahan Media Muqdisho: Burburka diyaarad dab-damis ah oo ay lahayd Turkiga ayaa ku burburtay dalka Croatia, duuliyihii diyaaraddana wuu dhintay, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Dhirta Ibraahim Yumakli.
” Burburka diyaaradii dab damiska ee kaymaha ayaa lumisay xiriirkii idaacada Croatia, kadibna waxaa laga helay meel u dhow magaalada Senj ee dalka Croatia, waxaan Allaah uga baryayaa inuu u naxariisto duuliyeheenii ku shahiiday shilkan naxdinta leh, waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay”
Horaantii, Wasaaradda Beeraha iyo Dhirta ayaa sheegtay in xiriirkii raadiyaha uu ka lumay diyaarad dab damis ah oo ay leedahay Agaasinka Guud ee Dhirta.
“Laba diyaaradood oo dab-damis ah oo AT802 ah oo ay leeyihiin Agaasinka Guud ee Kaymaha ayaa ka dhoofay Canakkale Arbacadii, Noofambar 12, saacadu markay ahayd 10:24 subaxnimo wakhtiga maxalliga ah si loogu dayactiro magaalada Zagreb ee dalka Croatia, xaaladaha cimilada awgeed, labada diyaaradoodba waxay habeenkii ku hoydeen garoonka diyaaradaha ee Rejika ee Croatia.
Khamiista, Noofambar 13, 2025, saacadu markay ahayd 17:38 wakhtiga Turkiga, diyaaraduhu waxay u kaceen madaarka Zagreb balse waxay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan garoonka Rejika xaaladaha cimilada oo xumaaday. Intii lagu guda jiray jidka soo laabashada, hal diyaarad ayaa si nabad ah ugu soo degtay garoonka diyaaradaha ee Rejika, laakiin xiriirka raadiyaha ayaa lumay midda kale 18:25.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal tacsi ah soo dhigay X, isagoo yiri: “Xalay, waxaan helnay warka sheegaya in diyaarad dab-damis ah oo ay leedahay Agaasinka Guud ee Kaymaha ay nasiib darro ku burburtay dalka Croatia, aad ayaan uga xunnahay shilkan naxdinta leh ee uu ku shahiiday mid ka mid ah duuliyayaashayada, waxaan Allaah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca Ruushka ayaa sheegay Khamiistii in diyaarad dagaal oo nooceedu yahay Su-30 ay ku burburtay waqooyiga Karelia, halkaasoo ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda, shilkan ayaa dhacay abaaro 19.00 wakhtiga Moscow (1600GMT) iyadoo diyaaraddu ay ku jirtay hawl tababar oo caadi ah.
Shilka ayaa ka dhacay deegaan aan la degin, mana jirin wax rasaas ah oo saarneyd diyaaradda, sida la sheegay.
Guddi gaar ah ayaa baari doona shilkan, balse qaladka duuliyaha ayaa ah mid ka mid ah sababaha suurtagalka ah ee shilka, sida lagu sheegay bayaanka.


