Diyaarad nooca fud fudud oo ay la socdeen dalxiisayaal Ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Hungry iyo Germany ayaa ku burburtay dalka Kenya Talaadadii (Oct 28, 2026) , waxaana ku dhintay 11 qof oo saarnaa.
Shirkadda diyaaradaha ee Mombasa Air Safari, ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen 10 rakaab ah oo kala ah 8 u dhashay Hungary iyo labo Jarmal ah. Kabtanku wuxuu ahaa Kenyan.
“Nasiib darro, ma jiraan dad ka badbaaday,” ayay Mombasa Air Safari ku tiri hadal ay soo saartay.
Maamulka duulista rayidka ayaa sheegay in shilku uu ka dhacay Kwale, oo u dhow xeebta badweynta Hindiya, abaarihii 0830 xilliga maxalliga ah (0530 GMT).
Taliye ka tirsan booliiska gobolka, ayaa faallooyin ay sii daysay warbaahinta dadweynaha ee Kenya Broadcasting Corporation ku sheegay in dhammaan rakaabka ay ahaayeen dalxiisayaal.
Waraka qaar ayaa sheegay in meydadka dadkii saarnaa diyaaradda ay gubteen oo aan la aqoonsan karin.
Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ka soo duushay Diani, oo ku taal xeebta, kuna sii jeeday Kichwa Tembo oo ku taal kaydka qaranka Maasai Mara ee Kenya.


