Sahan Media Muqdisho: Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo ka soo duushay New York kuna socotay New Delhi ayaa loo weeciyay Rome sababo la xiriira “arrin amni oo suurtagal ah,” ayay shirkaddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Duulimaadka 292 oo ka soo duushay garoonka caalamiga ah ee John F. Kennedy ayaa ku sii jeeday garoonka caalamiga ah ee Indira Gandhi, waxaana loo sii galbiyay garoonka Leonardo da Vinci Rome Fiumicino, halkaasoo ay si nabad ah ku degtay.
Diyaarada ayaa waxaa galbinayey diyaarado ay leeyihiin ciidamada cirka Talyaaniga ka hor inta aysan ka degin garoonka caalamiga ah ee Leonardo da Vinci ee magaalada Rome.
Sarkaal sare ayaa u sheegay ABC News in hanjabaad bam lagu helay email ahaan, taasoo keentay in la weeciyo. Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadda ayaa markii dambe la go’aamiyay inay noqotay mid aan sal lahayn.
Rakaabka ayaa loo daabulay terminaalka si loogu baaro, waxaana diyaaradda ay ku socotay baaritaan amni oo buuxa ka hor inta aan loo fasaxin inay u sii socoto New Delhi.