Google search engine
HomeWararka MaantaDiyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasimadda Suudaan ee Khartoum

Diyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasimadda Suudaan ee Khartoum

Sahan Media Muqdisho: Weeraro isdaba joog ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu bartilmaameedsaday caasimadda Suudaan ee Khartoum saacado badan sida ay dad goob joogayaal ah iyo ilo ciidan u sheegeen AFP.

Sarkaal ka tirsan milatariga ayaa sheegay in ciidamadu ay soo rideen “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka intooda badan, kuwaas oo lala beegsaday laba saldhig oo ciidanku ku leeyihiin waqooyi-galbeed ee caasimadda.

Ciidanka Sudan waxa uu dagaal kula jiray tan iyo bishii April 2023 ciidamada degdega ah ee taageera, kuwaas oo si joogto ah u weerara xarumaha ciidamada iyaga oo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof waxaana uu abuuray gaajada iyo barakaca ugu weyn caalamka.

Caasimadda ayaa inta badan degen tan iyo markii ay ciidamadu dib ula wareegeen gacan ku haynta horraantii sanadkan, iyadoo dagaalka dhulku uu hadda ku badan yahay koonfurta iyo galbeedka dalka.

Laakiin RSF waxaa si isdaba joog ah loogu eedeyay in ay fulisay weeraro aan duuliye lahayn oo ka dhan ah militariga iyo kaabayaasha rayidka.

Goob joogayaal ku sugan Omdurman, oo qayb ka ah Khartoum weyn, ayaa sheegay in ay arkeen diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabaya magaalada, ayna maqleen “qaraxyo waaweyn oo ka imanaya dhinaca woqooyi.

Waxay ahayd maalintii labaad oo xiriir ah duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan caasimadda, sida ay sheegeen ciidamada gaashaandhigga Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments