Sahan Media Muqdisho: Diyaaradda Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu qasbay inay dib ugu soo laabato Mareykanka wax yar ka dib markii ay kacday goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ku sii jeedday Davos, Switzerland sababtoo ah waxa Aqalka Cad uu ku tilmaamay “cillad farsamo koronto oo yar”.
“Kadib markii ay duuleen, shaqaalaha AF1 waxay ogaadeen cillad farsamo yar oo koronto ah, taxadar badan kadib, AF1 waxay ku laabatay Joint Base Andrews. Madaxweynaha iyo kooxdu waxay raaci doonaan diyaarad kale waxayna sii wadi doonaan safarkoodii Switzerland.” Trump ayaa u safrayay Davos si uu uga qayb galo shirka dhaqaalaha adduunka.
Ka hor inta uusan dhoofin, wuxuu u sheegay suxufiyiinta “safarkani wuxuu noqon doonaa safar xiiso leh. Ma garanayo waxa dhici doona, laakiin si fiican ayaan u matali soonaa.
Markii ay ku soo laabteen garoonka Andrews, madaxweynaha iyo xubnihii la socday waxay raaceen diyaarad cusub, waxayna dib u bilaabeen safarkooda Switzerland.
Trump ayaa lagu wadaa inuu khudbad si weyn loo wada sugayo Arbacada ka jeediyo shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos. Waxay ku soo beegantay iyadoo uu xumaaday xiriirka xulafada Yurub ee ololihiisa cadaadiska ah ee uu ku doonayo in uu qaato ama la wareego Grønland.


