Google search engine
HomeWararka MaantaDoon ku dagtay xeebaha Turkiga oo ay ku dhinteen todoba qof

Doon ku dagtay xeebaha Turkiga oo ay ku dhinteen todoba qof

Sahan Media Muqdisho: Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay doon ay la socdeen tahriibayaal aan caadi ahayn oo ku degtay magaalo xeebeedka Turkiga ee Mugla ee degmada Bodrum, sida ay sheegayaan wararkii ugu horreeyay.

Markii la helay warbixinta taasoo laga helay wicitaan ciriiri ah ayaa sheegaya in doon ay saarnaayeen tahriibayaal ay ku degtay xeebta Ortakent, afar markab oo ilaalada xeebaha, koox quusta, helikobtar, iyo dhawr shaqaale samatabbixin ah ayaa loo diray aagga.

Intii uu socday howlgalka, ayaa waxaa lasoo badbaadiyay labo tahriibayaal ah kuwaas oo ay soo badbaadiyeen cutubyo ka tirsan ilaalada xeebaha, halka meydadka todobo kale laga soo saaray badda.

Waxaa socda gurmadka iyo baadigoobka inta kale ee aaggaasi ku maqan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments