Sahan Media Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn dhanka cirka oo laga fuliyay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ay ku jiraan horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab.Â
Duqeynta ayaa la tilmaamay in si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA, ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka ee ciidamada dowladda ka taageera duqeynta dhanka cirka ah.
Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana lagu beegsaday goob ay isku qarinayeen kooxdu, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.Â
Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howlgalkan, Abuu Anas, oo ay Khawaarijtu ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah. Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Khawaarijta.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay howlgalka lagu dilay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab.
“Dowladda Soomaaliya waxay balan qaadeysaa inay goobahooda ugu tegi doonto horjoogayaasha khawaarijta iyo maleeshiyaadka ay dabka ku shubayaan, waxaan sidoo kale amaanaya ciidanka deegaanka ee maalmahan Ceel hareeri dagaalka adag ee jabka lagu gaarsiiyay Al-shabaab kula jira” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii duqeyntan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa imaaneysa, iyadoo maalintii sadaxaad oo xiriir ah uu dagaal qaraar ku dhexmaray deegaanka Ceel hareeri kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleeyda.