Sahan Media Muqdisho: Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland Jimcihii shalay, taasoo dhalisay diidmo xooggan oo caalami ah.
Ku dhawaaqista Israa’iil ayaa keentay in Soomaaliya ay cambaareyso go’aankaas oo ay ku tilmaantay “Weerar ula kac ah” oo lagu qaaday madax-bannaanideeda oo wiiqi kara xasilloonida gobolka.
Dhowr hay’adood oo caalami ah iyo waddamo ayaa si degdeg ah u muujiyay diidmadooda.
Midowga Afrika (AU) ayaa diiday aqoonsiga Israel, isagoo ka digay inay “dhigi karto tusaale khatar ah oo saamayn fog ku leh nabadda iyo xasilloonida qaaradda oo dhan.”
Madaxa Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf ayaa ku nuuxnuuxsaday in Somaliland “ay weli tahay qayb muhiim ah” oo ka mid ah Soomaaliya, oo xubin ka ah Midowga Afrika muddo dheer.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay wargeyska New York Post in uusan hadda qorshaha ugu jirin inuu raaco hoggaanka Israa’iil, “Wax walba daraasad ayaa lagu hayaa…Waan baran doonaa, waxaan daraaseeyaa waxyaabo badan, mar walbana waxaan qaataa go’aamo waweyn, waxayna noqdaan kuwo sax ah,” Trump ayaa u sheegay New York Post wareysi telefoon.
Turkiga ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, Soomaaliyana ay tahay dowlad madax-bannaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo wiiqaysa xasilloonida gobolka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oncu Keceli ayaa Jimcihii sheegay in go’aanka Israel uu “tusaale cusub u yahay ficillada sharci darrada ah ee xukuumadda Netanyahu ee looga gol leeyahay in lagu abuuro xasillooni darro heer gobol iyo heer caalami ah,” isagoo intaas ku daray inay ka dhigan tahay “faragelin cad oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya”.
Masar waxay sheegtay in dublamaasigeeda ugu sarreeya uu la tashaday dhiggiisa Turkiga, Soomaaliya, iyo Jabuuti.
Saraakiisha ayaa si wada jir ah u cambaareeyay tallaabada Israel waxayna dib u xaqiijiyeen “taageerada buuxda ee midnimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israel inuu yahay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay mabda’a midnimada iyo madax-banaanida dawladaha.”
Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa aqoonsigaas ku tilmaamay mid “xadgudub weyn ku ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo xad-gudub bareer ah” oo lagu hayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Maamulka Falastiin waxa kale oo ay dhaleeceeyeen Israa’iil, waxaanay xustay inay Somaliland hore u aqoonsadeen inay tahay meel ay Falastiiniyiinta ka barakiciyeen Qaza, waxaanay uga digeen inay ku lug yeeshaan falalkaas.


