Sahan Media Muqdisho: Duqa magaalada oo ka hadlay Xaalada Qaza ee 16-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa yiri ma ahayn dagaal u dhexeeya laba ciidan, balse waxay ahayd weeraro is-daba joog ah oo militariga Israa’iil ay ku qaadeen shacabka reer Falastiin. Xabbad-joojintu waxay si ku meel gaar ah u tahay joojinta rabshadaha. Ma ka hadlayso qadiyadda Falastiin ee ballaadhan, mana bixiso xal dhab ah oo lagu xallinayo dhibaatada joogtada ah ee dadkeenna. Ilaa hadda, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray oo keliya tallaabooyinka amniga, ee aan lagu soo qaadin arrimaha siyaasadda ee xudunta u ah khilaafka. Falastiiniyiinta, nabaddu waxay ka dhigan tahay in aan sugno xuquuqdeena, madax-banaanideena, xoriyada, iyo in Qudus ay noqoto caasimaddeena. Ilaa arrimahaas wax laga qabanayo, xabbad joojintani ma horseedi doonto nabad waarta.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri”Marka hore, waxaa muhiim ah in la ogaado in dadka reer Falastiin ay leeyihiin hoggaan dhisan, Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabbaas, oo loo aqoonsan yahay adduunka oo dhan inuu yahay wakiilka dadkeena. Dhammaan wadahadaladu waa inay maraan PLO. Ilaa hadda, wada-hadalladu waxay ku koobnaayeen oo keliya tallaabooyinka amniga, iyadoo aan diiradda la saarin xallinta siyaasadeed. Waxa Gaza ka dhacaya ayaa muujinaya isla xisaabtan la’aanta. Israa’iil waxay soo bandhigtay sheekadeeda iyada oo aan la xakameynin, halka dhulka, Falastiiniyiintu ay u adkaysanayaan xaalado aad u adag. Waxa aan u baahanahay waa xal dhamaystiran si loo soo afjaro dhibaatada Falastiiniyiinta, nabad waartana loogu soo dabaalo gobolka.”
Xadgudubyada Israa’iil ayaa ku baahsan guud ahaan dhulka falastiiniyiinta, inkastoo ay u kala baxaan qaabab kala duwan. Gaza, waa weerarro militari oo buuxa, halka Daanta Galbeed, ay ka socdaan hawlgallo militari oo magaalooyin kala duwan ah. Waxa muhiimka ah in la xuso ayaa ah in Israa’iil ay go’doomisay dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, oo ay nagu abuurtay xaqiiqo aad u adag oo adag.
Nolosha Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa laga yaabaa inay ku kala duwanaadaan siyaabaha qaarkood, laakiin labaduba waxay la kulmaan caqabado joogto ah oo ay ugu wacan tahay siyaasadaha Israel oo keena kaliya silic iyo dhibaato. Waxaan rabnaa inaan joojino gumeysiga sababtoo ah waxaan nahay dad nabad doon ah. Waxaan aaminsanahay in nabaddu ay soo afjari karto dhibaatada ka jirta Bariga Dhexe, ayna xaqiijin karto xuquuqdeena, amniga, iyo badbaadada si aan u helno mustaqbal wanaagsan.”
“Israa’iil waxay Gaza ku tuurtay 88,000 oo tan oo walxaha qarxa ah, taasoo keentay in kumannaan qof ay ku dhinteen, 35,000 oo carruur ahna ay agoomoobaan. Tani waa isir sifeyn – istaraatiijiyad lagu barakiciyo Falastiiniyiinta laguna ballaariyo maamulka Israel.”
Isagoo ka jawaabaya suaalaha wariyayaasha qaarkood ayaa yiri Waxaan u mahadcelineynaa dadaalka dunida Carabta iyo dalalka kale ee fududeynta dhibaatada Gaza. Laakiin waxaan u baahanahay wax ka badan qiyaaso ku meel gaar ah – waxaan u baahanahay cadaadis caalami ah oo joogto ah si aan wax uga qabano sababaha asaasiga ah loona soo afjaro dhibaatada Falastiin. Waxa aan u baahanahay waa xal soo afjara gumeysiga, aqoonsanaya aayo ka tashiga falastiin, lana dhiso dowlad falastiiniyiin ah oo caasimad u tahay bariga Quddus. Nabadda dhabta ah waxay u keeni doontaa Israa’iil ammaan iyo xasilloonida gobolka oo dhan. Annaga, nabaddu waxay nooga dhigan tahay sharaf, xuquuqul insaanka, iyo xidhiidh siman oo ixtiraam leh oo aan la leenahay jaarkeena.”
Weerarkan oo dhacay 7-dii Oktoobar ayaa ku yimid weerarrada joogtada ah ee Israel, qabsashada iyo go’doominta ay ku hayso Gaza. Haddii geeddi-socodka nabadda la ixtiraami lahaa tan iyo heshiiskii Oslo, ma aannu joogno xaaladdan. Falastiiniyiintu waxay aqbaleen jiritaanka Israa’iil, laakiin Israa’iil way iska indho-tirtay xuquuqda Falastiin. Sidee bay nabad u filan karaan markay iska indhatiraan dhibaatada dadkakale?
Sidoo kale, iskahorimaadkan ma uusan bilaaban Oktoobar 7-waxay dib ugu laabaneysaa Bayaankii Balfour, markii Britain ay u ballan-qaadday dowlad Yahuudda ay ka dhiseyso dhulka Falastiin. Tan iyo markaas, Falastiiniyiintu waxay la kulmeen dagaal, barakac, iyo qabsasho, laga bilaabo 1948 ilaa 1967 iyo wixii ka dambeeya. Xitaa ka dib markii heshiisyo nabadeed la saxiixay, Israa’iil waxay si isdaba joog ah u jebisay iyada halka Falastiiniyiintu ay ilaalinayaan ballanqaadkooda.