Sahan Media Muqdisho: Mareykanka ayaa habeenimadii xalay duqaymo aad u culus la beegsaday goobo ay firxadka kooxda Daacish kaga dhuumaalaysanayeen togga Baallade ee gobolka Bari.
Duqaymahaan oo lagu tilmaamay kuwii ugu cuslaa ee ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa lagu beegsaday godad iyo bartilmaameedyo sahmin lagu wadey todobaadadii la soo dhaafay.
Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyey in duqaymahan si gaar ah loola beegsaday goobo ay ka mid yihiin Ceelasha ku teedsan buuraha oo dhammaan katirsan Baallade.
Sidoo kale, Ciidanka difaaca Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigey mid kamid ah raggii Daacish u qaabilsanaa sahminta iyo duubista muuqalada oo ku dhuumaalaysanayey deegaamo katirsan togga Jacayl.


