Google search engine
HomeWararka MaantaDuqayn cusub ayaa ka dhacday Dhardhaar oo aan ka fogeyn Boosaaso

Duqayn cusub ayaa ka dhacday Dhardhaar oo aan ka fogeyn Boosaaso

Sahan media Muqdisho: Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari “Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la ah, si ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM. Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadiisa sheegatay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments