Sahan Media Muqdisho: Isticmaale TikTok ah oo aan la garan ayaa soo galisay muuqaal ay kaga hadlayso maamulaha Tesla. iyadoo ku hadashay luqad aan Ingiriisi ahayn, waxay ku tiri: “Wax badan kama welweli doono isaga.”
Elon Musk ayaa yiri “waa inoo dagaal” ka dib markii qofkan TikTok isticmaala oo la sheegay in uu ka yimid Soomaaliya uu yiri “waa inuu dhintaa ama ha dhinto, walow ay sheegtay in hadalkeeda si khaldan loo fasirtay.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhex aloosan Soomaalida Mareykanka ah iyo madaxda Maraykanka kadib markii dad aan badnayn oo Somali Maraykan ah lagu eedeeyay musuq maasuq. Ujeeddada weeerarka Soomaalida Maraykanka lagu hayo maxaa looga dan leeyahay?.
Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa isku haysta in qofka isticmaalay uu yahay Soomaali inkastoo aan la xaqiijin karin dhalashada ama aqoonsiga qofka muuqaalka ku jira, mana jirto wax soo jeedin ah ama fakar oo ay la xiriirineyso arrimaha ka socda Minnesota.
Iyadoo aan la garanaynin halka isticmaalaha TikTok uu joogo iyo dhalashadiisaba ayaa shacabka maraykanka ah waxaa soo jiidatay carada ka dhanka ah soomaalida iyo sida loo aflagaadeynayo.


