Google search engine
HomeDiasporaElon Musk oo ku soo biiray weerarka lagu hayo Ilhaan Cumar...

Elon Musk oo ku soo biiray weerarka lagu hayo Ilhaan Cumar iyo ICE oo kiimiko u adeegsaday dadka Somalida

Sahan Media Muqdisho: Elon Musk ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ku eedeeyay in ay ku kacday qiyaano qaran sababo la xiriira hadallo hore oo ay wacad ku martay in ay ilaalin doonto danaha Soomaalida ee Mareykanka.

Elon Musk ayaa ku qoray X, isagoo dib u soo qaatay muuqaal ay Ilhan Cumar kula hadlaysay dadka Soomaalida ee Minnesota 2024-ka.

Ilhaan waxay tiri ereyo kasta oo uu Trump igu weeraro ma joojin doonto shaqada aan u hayo dadka Dagmada shanaad. trump waa inuu ogaadaa hadda inuusan waligiis dagaal lageli karin haweeney Soomaaliyeed.

Sidoo kale ICE ayaa u adeegsaday Sunta kimikada ah si ay isaga riixaan Somali caraysan oo xannibay baabuurtooda xilli ay hubinayeen aqoonsiyada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis.

Xubin ka tirsan golaha deegaanka, Jamaal Cismaan, oo ah Soomaali Maraykan ah oo xaafadda wakiil uga ah, ayaa goob joog ka ahaa iska horimaadka iyo muuqaal-qaade ka tirsan Associated Press.

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo ah tan ugu weyn Mareykanka ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxay ku jirtay xaalad aan fiicnayn tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ku sheegay in ay yihiin dad Qashin ah.

Ma cadda tirada bulshada Soomaaliyeed ee la xiray, laakin saraakiisha laanta socdaalka iyo fulinta kastamka ayaa iimaylka ku sheegay in aysan wax dad ah ku qaban xaafaddii ay tageen.

Cismaan waxa uu sheegay in wakiilada ICE oo hubaysan ay aadeen maqaayadaha Soomaalida ee xaafadda kadibna ay albaabada u xireen oo ay dadka ka dalbadeen aqoonsiyo. Waxay heleen oo keliya meeshana fadhiyay muwaadiniin Maraykan ah, mana aysan soo qaban.

“Nasiib wanaag qof walba wuxuu haystay baasaboorkiisa, sababtoo ah waxaan u sheegayay inay qaataan baasabooradooda.

Ka dib markii la hubiyay aqoonsiga dadka qaarkood dadkii oo ay ku jiraan ajaanib kale waxay si aan kala sooc lahayn u istaageen waddada waxayna si ku meel gaar ah u xireen ugu yaraan hal muwaadin oo Maraykan ah kadibna ICE waxay raaceen toddobo ilaa 10 baabuur waxayna aadeen dhismo sare oo ay magaaladu leedahay. Halkaas, waxaa uga horyimid koox dhallinyaro u badan caddaan oo uu ugu yeeray Jamaal “geesiyaal” ayaa ku fooriyay si ay qaylo-dhaanta uga dhawaajiyaan oo ay uga horyimaadaan ICE kuwaas oo ugu jawaabay sunta kiimikada ah.

“Ilaah baa mahad leh in dad badan ay halkaas isugu soo baxeen,” ayuu yiri Jamaal. meeshaas way ka bixi waayeen sababtoo ah dadku waxay la soo baxeen baabuurtooda iyo foori.”

Jamaal waxa uu sheegay in uu arkay dad la ildaran saamaynta kimikadii ay isticmaaleen ICE. Waxa kale oo uu sheegay in uu la hadlay mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida Maraykanka ah oo lagu jiiray gaariga ICE lana xidhay oo la geeyay xarunta ICE. Halkaas oo ay saraakiishu ugu dambayntii eegeen baasaboorka Maraykanka wayna sii daayeen.

Talaabooyinka uu qaaday madaxweynaha ayaa waxaa canbaareeyay madaxda bulshada Soomaalida iyo Dimuqraadiyiinta oo uu ka mid yahay Gov. Tim Walz, iyadoo ay ka aamusan yihiin madaxda sare ee xisbiga Jamhuuriga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments