Google search engine
HomeWararka MaantaGabar U doodda xuquuqda Tansaaniya oo lagu afduubtay Kenya

Gabar U doodda xuquuqda Tansaaniya oo lagu afduubtay Kenya

Sahan media Muqdisho: Maria Sarungi Tsehai oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Tansaaniya ayaa Axaddii lagu afduubay waddooyinka caasimadda Kenya ee Nairobi, sida ay sheegtay Amnesty International.

Tsehai waxay u ololaysaa isbeddel siyaasadeed, xorriyadda hadalka iyo xuquuqda haweenka waxayna leedahay 1.3 milyan oo raacsan X.

Amnesty laanteeda Kenya ayaa sheegtay in “waxa afduubtay ay yihiin saddex nin oo hubaysan kuna labisan dhar madaw watayna gaari(Toyota) Noah” abbaare 3-dii galabnimo ee aagga Kilimani ee bartamaha Nairobi.

Dhaqdhaqaaqa Tsehai, Change Tanzania, ayaa ku soo qoray X: “Waxaan aaminsanahay in afduubayaashu ay qayb ka yihiin wakiilada amniga Tansaaniya ee ka hawlgala meelo ka baxsan xudduudaha Tansaaniya si ay u aamusaan.”

Geesinimadeeda ay u taagan tahay cadaaladda ayaa ka dhigtay bartilmaameed, laakiin ma ogolaan doono in xilligan la aamusiyo codkeeda,” ayay raaciyeen.

Kenya ayaa taariikh u leh in dowlado shisheeye ay u ogolaadaan in ay afduubtaan muwaadiniintooda oo ay xoog ku soo gacan galiyaan si aan sharciga waafaqsanayn.

Bishii Oktoobar, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in afar qaxoonti oo Turki ah lagu afduubay magaalada Nairobi si qasab ahna loogu celiyay Turkiga.

Bishii xigtay, Uganda waxay sheegtay inay kala shaqeysay mas’uuliyiinta Kenya sidii ay Nairobi ugu soo qaban lahaayeen hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye, dibna loogu celin lahaa Kinshasa halkaasoo uu wajahayo maxkamad milateri oo ay cambaareeyeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Tanzaniya ayaa dagaal ku qaaday xoogaga mucaaradka ka hor doorashada dabayaaqada sanadkan.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa markii hore loogu hanweynaa horumarinta xuquuqda dimuqraadiga ah ka dib markii ay xilka kala wareegtay madaxweynihii ka horreeyay ee John Magufuli sanadka 2021.

Laakiin kooxaha xuquuqda iyo dawladaha reer galbeedka ayaa dhaleeceeyay waxa ay u arkaan caburinta soo cusboonaatay, oo ay ku jirto xarig, af-duub iyo xataa dil loo geysto dadka mucaaradka ah.

Xisbiga Xasan Chama Cha Mapinduzi ayaa ku guuleystay in ka badan 98 boqolkiiba doorashooyinkii deegaanka ee bishii Oktoobar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments