Google search engine
HomeWararka DibaddaGanacsade Soomaali ah oo K/Suudaan ugu xiran Faraxumeyn

Ganacsade Soomaali ah oo K/Suudaan ugu xiran Faraxumeyn

Sahan Media Muqdisho: Ganacsade Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Xamdin oo ku sugan Wunrok Payam oo ka tirsan degmada Twic ee gobolka Warrap ee Koonfurta Suudaan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inuu uureeyay gabar 17 jir ah oo ciyaal iskuul ah oo uu ku amray inay qaadato kaniiniyo si ay uurka isaga saarto.

Sida uu sheegay baaraha bilayska Maleng Ngor, dhacdadan ayaa argagax ku riday dadka deggan Wunrok, kuwaas oo ku tilmaamay in gabadha ay ahayd mid firfircoon oo diiradda saartay dugsiga ka hor inta aysan dhicin dhacdooyinka naxdinta leh. Ngor waxa uu sheegay in gabadhu ay qiratay in ay ilmaha iska soo xaaqday iyada oo la raacayo tilmaamaha ganacsadaha.

“17-sano jir, oo lagu magacaabo Akon, ayaa ilmaha ku tuuray musqul god ah oo ku yaala gurigeeda, habeenkii Talaadada, ur ama shiir xun ayaa dareemeen xubnaha qoyska, taas oo keentay in uu Simon Mabuoc, uu baaro. Wuxuu helay ilmaha dhintay ee musqusha ku jiray, “

Mabuoc ka dib wuxuu arrinta u gudbiyay booliiska. Gabadhan oo ka baxay dhiig aad u xoogan ayaa loo qaaday goob caafimaad si loogu daweeyo, waxaana hadda la dhigay isbitaal. Booliska ayaa xaqiijiyay in ilmaha la soo tuuray uu ahaa wiil.

Ngor ayaa sheegay in Eedeysanaha Soomaaliga ah uu hadda xiran yahay, waxaana loo gudbiyay degmada Turalei ee xarunta Gobalka, halkaasi oo uu ku wajihi doono dacwado dhanka sharciga ah marka ay soo dhameeyaan baaritaanada.

“Tani maaha markii ugu horeysay ee aan wax ka qabano kiis noocaan oo kale ah,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay ka dhigan tahay dhacdadii saddexaad ee la soo sheego oo ah ilmo iska soo rididda ama daadinta carruurta ee aagga. Kiis kan la mid ah ayaa ka dhacay ismaamulka Gogrial bari bishii hore, halkaas oo haweeney la sheegay in ay iska tuurtay ilmo ay dhashay.

Sida uu dhigayo sharciga Suudaanta Koonfureed, ilmo iska soo rididdu waa dembi haddii aanu samayn dhakhtar u qalma si uu u badbaadiyo nafta hooyada, iyada oo ay raalli ka yihiin labada isqabta. Dembiilayaasha waxay wajihi karaan xabsi dheer haddii lagu helo dembi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments