Google search engine
HomeWararka MaantaGolaha wakiilada S/land maxay markale u diideen xariga iyo in xasaanada laga...

Golaha wakiilada S/land maxay markale u diideen xariga iyo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Abiib?

Sahan media Muqdisho: Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa mar kale diiday codsi uga yimid xeer ilaalinta Guud ee Somaliland oo la xidhiidhay in Xildhibaan Maxamed Abiib la xidhay isaga oo dembi faraha kula jira, isla markaana xasaanadda looga qaado si Maxkamadda loo horgeeyo.

Fadhi ay maanta Golaha Wakiilladu ku yeesheen Magaalada Hargeysa, oo ay ku soo xaadireen 47 Mudane, ayaa waxa 43 ka mid ah diideen oo laalleen codsiga iyo ogeysiinta Xeer ilaalinta Guud oo sheegtay in Xildhibaan Abiib la xiray isaga oo dembi faraha kula jira, waxa ka aamusay saddex Xildhibaan, halka Guddoomiyuhu aanu codayn.

Codayntan Golaha Wakiillada ayaa ah tii labaad oo uu Golahaas ku diido xarigga iyo in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib oo maalintii toddobaad weli ku xidhan Xabsiga Mandheera ee ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Salaasaddii toddobaadkii hore ayaa Golaha Wakiilladu diideen codsi Xeer ilaalintu ku dalbanaysay in Xasaanadda laga qaado Xildhibaanka oo bishii Luuliyo Golahaas u soo gudbisay, waxaana codsigaas Xeer ilaalinta lagu diiday go’aan gole.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Hayaan oo Golahaas u diray qoraal yeedhmo ah, si wax looga weydiiyo arrinta xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ka baaqday inuu horyimaado Golahaas, iyada oo qoraal uu kaga jawaabayey yeedhmada Golahaas ku sheegay in loo cadeeyo waxyaabaha loogu yeedhayo.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mire Giire oo shir-guddoominayey fadhiga maanta, ayaa kaga hadlay jawaabta Xeer Ilaalinta Guud waxa uuna yidhi ” Xeer ilaaliyuhu xaq uma laha inuu yidhaahdo maxaynu ka wada hadlaynaa, waayo laba dawladdood ma nihin ee waxaynu nahay waaxdii sharci dejinta ee Xeer ilaaliyaha xasaanadda siiyey, inuu yidhaahdo maxaynu ka wada hadlaynaa xaq nooguma laha. Shir guddoon ahaan waxaanu garanay in aan xeer ilaalinta qoraal dambe ku celino” ayuu yiri Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golahaas Siciid Giirre.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa xeer ilaalintu ku soo eedaysay qodobbo ay ka mid yihiin Qaran-dumisnimo, sumcad dil ciidanka ah iyo gacan siin xoogagga Somaliland ka soo horjeeda.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments