Google search engine
HomeWararka MaantaGole mucaarad ah oo Puntland looga dhawaaqay

Gole mucaarad ah oo Puntland looga dhawaaqay

Sahan Media Muqdisho: Siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe kaga dhawaaqay Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo guddoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre. 

Golahan ayaa la sheegay inay ujeeddadiisu tahay, wax ka qabashada xaaladaha adag ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka taagan Puntland. Waxay ku baaqeen in la bilaabo hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah, si looga hortago jahawareer siyaasadeed oo hor leh.

Guddoomiyaha Golahan, Guuleed Saalax Barre, ayaa sheegay in golahani uu diyaar u yahay inuu ka hadlo wax kasta oo ka khaldan nidaamka dowladnimada Puntland, isla markaana u baahan in la saxo. Wuxuu xusay in nasiib darro ay tahay in maamulka Puntland uusan diyaar u ahayn isbeddel iyo sixid, isagoo eedeeyay in dadka ka aragti duwan maamulka lagu hayo cabburin, xarig iyo sumcad dil.

“Waa muhiim in la helo isla xisaabtan dhab ah. Waxaa laga maarmaan ah in la joojiyo caga juglaynta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka,” ayuu yiri Guuleed Saalax Bare.

Goluhu wuxuu sidoo kale taageeray ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in wax ka beddelka dastuurka lagu salleeyo wadatashi guud oo ay dhammaan dhinacyadu ku lug leeyihiin.

Ku dhawaaqidda Golahan ayaa kusoo aadaya, xilli ay Puntland ka jiraan xisbiyo siyaasadeed oo mucaarad ah, inkastoo lagu dhaliilo inay ku dhex milmeen maamulka Puntland, iyagoo qaar kamid ah madaxda xisbiyada mucaaradku ay xilal ka hayaan Xukuumadda Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments