Google search engine
HomeWararka MaantaHantidii Ruushka laga xannibay oo loo weeciyay Ukraine

Hantidii Ruushka laga xannibay oo loo weeciyay Ukraine

Sahan media Muqdisho: Dalalka G-7 ayaa isku raacay in lacagihii laga xayiray Ruushka loo weeciyo Ukraine si ay qayb uga noqoto taakuleynta loo sameynayo.

Lacagtan oo gaareysa $50bn ayaa loo qoondeeyay Ukraine ay qayb uga geysato dagaalka Ukraine ee ay Ruushka kula jirto kadib duullaankii uu Ruushku soo qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Ruushka xusuusinayo in marnaba aysan hoos u dhigi doonin go’aamadooda la xiriira taageerada Ukraine.

Lacagtan ayaa la filayaa in ay Ukraine u gacan gasho dabayaaqada sanadkan balse Ukraine ayaa la sheegay in ay u baahnatahay gargaar millitari oo deg deg ah si isugu filnaato inta ay lacagtan soo gaareyso.

Waxyaabaha kale ee shirka diiradda lagu saaray ayaa waxaa kamid ah xiisadda Bariga dhexe iyo xabbad joojin ka dhaqan gasha Qaza.

Shirkan dalalka G-7 ayaa weli socda iyada oo la filayo in ay qodobo dhowr ah ka soo baxaan..

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments