Google search engine
HomeWararka MaantaHargeysa oo laga cambaareeyay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland

Hargeysa oo laga cambaareeyay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland

sahan media Muqdisho: Qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka jamhuuriyadda iskeed madax bannanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo ka kooban Guurtida iyo Wakiiladda, lagana soo doorto gobolada Awdal iyo Salal, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii beenaadkii 1-dii bishii Janaayo dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

War qoraal oo ay soo saareen xildhibaannada ayay ku sheegeen in heshiiakaas uu ah mid sharci darro ah, kana soo horjeeda Diinta, Danta dadka iyo Dastuurka.

Bayaankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee hadalo adag lagu qoray, ee masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Shrci dajintu ay dadweynaha la wadaagaan.

Xildhibaanada soo saaray bayaankaan ayaa waxaa kamid ah, Cali Xaamud Jibriil, oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Waxay sheegeen in heshiiskani uu toos u taabanayo dadka deegaanada laga soo doortay ee ay matalaan.

Xildhabaanad ayaa waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay ka noqoto is-afgaradka ay la gashay Itoobiya.

Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay ka noqoto is -afgaradka oo ay talo-wadaag ka yeelato arrimaha masiiriga ah ee quseeya jiilalka dambe” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Xubnahan ka midka ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Guurtida iyo Wakiiladda ee laga soo doorto gobolada Awdal iyo Salal, ayaa baaq u diray ururo caalami ah oo ay kamid yihiin Qaramada Midoobey , Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

“Waxaanu u caddeynaynaa ururka jaamacadda carabta, IGAD, Ururka Islaamka, midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey in shacabka Awdal iyo Salal aysan ogoleyn in Itoobiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toona gayiga Somaliland, Awdal iyo salal” ayaa lagu yiri bayaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments